LAABJEEXA ( heartburn)

LAABJEEXA (HEARTBURN) Halka ay iska galaan hunguriga cuntadu marto iyo calooshu waxaa ku yaal muruq wareegsan oo sida xarigga oo kale ku xiran afka sare ee caloosha, muruqaas waxaa la dhahaa lingaxa hunguriga (esophageal sphincter) waxa uuna ka hortagaa in cuntada iyo aysidhka ku jira caloosha ay dib ugu soo noqdaan hunguriga/dhuunta, haddii uu debco muruqan waxaa ka dhasha in aysidhku soo xulo hunguriga, waxaana cilladdan loo yaqaan qulqul-noqodka aysidhka (acid reflux/GERD). Hungurigu sida caloosha oo kale ma leh xuub iyo xab ka difaaca aysidhka, sidaa awgeed haddii aysidhku soo gaaro hunguriga waxa uu cunayaa oo waxyeellaynayaa hunguriga, waxaana ka dhalanaya in qofku laabta ka dareemo xanuun iyo gubasho, waana waxa loo yaqaan laabjeexa (heartburn). Calaamadaha kale ee uu leeyahay aysidh-noqodku waxaa ka mid ah calyo-naqsi oo ah in cuntadii caloosha tagtay ay dib ugu soo noqoto afka, daaco badan, mararka qaarna waxaa uu lahaan karaa xabeeb iyo qufac joogto ah. Sidoo kale aysidh-noqo...