BURUUD (IMMUNITY)

 BURUUD (IMMUNITY)

Buruuddu waa awood uu qof leeyahay oo keenta in laga haybeysto qofkaas, awooddaasu waxay noqon kartaa mid maaddi ah oo dadku ugaga baqaan qofka, ama mid ruuxi ah oo qofku kaga buruudan yahay xanuunnada nafsiga ah, sida kuwa ay Soomaalidu u taqaan jinka.

Inkastoo ereyga "buruud" uu leeyahay macnayaal iyo adeegsiyo kala duwan, marka caafimaadka la joogo "buruud" waxay ereybixin u noqon kartaa "immunity/مناعة" oo ah awood uu leeyahay jirka noolayaashu taas oo ka caawisa in ay iska caabbiyaan noolayaasha il-ma-qabatayda ah ee sababa cudurrada.


Buruuddani waxay iskugu jirtaa mid uu nooluhu ku dhasho oo loo yaqaan buruudda abuurta ah (innate immunity, المناعة الفطرية) iyo mid uu helo marka uu dhasho ka dib loona yaqaan buruudda la hanto (acquired immunity, المناعة المكتسبة), wuxuuna buruuddan ka helaa hooyada marka uu nuugo ama wuxuu helaa marka cudur ku dhaco oo ka bogsado ama marka laga tallaalo cudur, marka nooluhu helo buruuddan wuxuu noqdaa mid cudurkaas ka buruudan (immune to, مُحصَن من).


Haddii buruudda la hanto ee noolaha ay ka hoosayso heerkii la rabay waxaa ka dhasha in cudurro badan haleelaan noolahaas. Fayruska loo yaqaan "fayruska yaraanshaha buruudda dadka" ama HIV (human immunodeficiency virus) wuxuu beegsadaa oo baabi'iyaa unugyada buruudda (immune cells), wuxuu markaas qofka jirkiisu noqdaa mid nugul, waxaana ku dhaca caabuqyo badan, waxaana caabuqyadaas ka dhasha wadar tawsyo (symptoms) iyo astaamo (signs) cudur ah oo isku sidkan, kuwaas oo la isku dhaho:


Sidkanta yaraanshaha buruudda la hanto (Aydhis)

متلازمة نقص المناعة المكتسبة (الأيدز)

Acquired immunodeficiency syndrome (AIDS)

Comments

Popular posts from this blog

LAABJEEXA ( heartburn)

Cagaarshowga ama beerholaca ( hepatitis)