LAABJEEXA ( heartburn)
LAABJEEXA (HEARTBURN)
Halka ay iska galaan hunguriga cuntadu marto iyo calooshu waxaa ku yaal muruq wareegsan oo sida xarigga oo kale ku xiran afka sare ee caloosha, muruqaas waxaa la dhahaa lingaxa hunguriga (esophageal sphincter) waxa uuna ka hortagaa in cuntada iyo aysidhka ku jira caloosha ay dib ugu soo noqdaan hunguriga/dhuunta, haddii uu debco muruqan waxaa ka dhasha in aysidhku soo xulo hunguriga, waxaana cilladdan loo yaqaan qulqul-noqodka aysidhka (acid reflux/GERD).
Hungurigu sida caloosha oo kale ma leh xuub iyo xab ka difaaca aysidhka, sidaa awgeed haddii aysidhku soo gaaro hunguriga waxa uu cunayaa oo waxyeellaynayaa hunguriga, waxaana ka dhalanaya in qofku laabta ka dareemo xanuun iyo gubasho, waana waxa loo yaqaan laabjeexa (heartburn). Calaamadaha kale ee uu leeyahay aysidh-noqodku waxaa ka mid ah calyo-naqsi oo ah in cuntadii caloosha tagtay ay dib ugu soo noqoto afka, daaco badan, mararka qaarna waxaa uu lahaan karaa xabeeb iyo qufac joogto ah. Sidoo kale aysidh-noqodku waxa uu yeelan karaa calaamado la moodo wadne wareen (heart attack), oo qofku hurdada ayuu si argagax leh uga soo boodayaa isaga oo wadnuhu aad u garaacmayo, neeftuna ku dheggan tahay.
Siyaabaha lagula tacaalo qulqulnoqodka aysidhka waxaa ka mid ah in qofku wax ka beddelo hab nololeedkiisa, sida in uusan qofku seexan isaga oo dheregsan, waa in uu wax cuno ugu yaraan 2 saac ka hor marka uu seexanayo, waa in uu barkado barkin dheer oo madaxa kor u qaado marka uu seexanayo, waa in uusan iska badin cuntada oo uusan buuxin caloosha, ee uu cuntada u qaybsado marar badan, isaga oo halkii marba wax yar cunaya, waa in uu iska ilaaliyo cuntooyinka la shiilay, baruurta, cuntooyinka leh basbaaska ama aysidhka, liinta, yaanyada, basasha, toonta, qaxwaha. Cuntooyinkan waxa ay isugu jiraan kuwo kordhiya aysidhka caloosha iyo kuwo debciya lingaxa hunguriga. Haddii uu miisaankiisu siyaado yahay waa in uu iska dhimo, haddii uu cabbo sigaarkana uu iska joojiyo.
Marka uu laabjeexu ku kaco waxaa uu qofku qaadan karaa dawooyinka yareeya aysidhka ee loo cuno gaaska. Haddii beddelidda hab nololeedka iyo dawooyinkuba wax u tari waayaan waxaa lagu samayn karaa qalliin lagu hagaajinayo muruqa lingaxa ah ee debcay. Aysidh-noqodku dhibaatooyinka uu keeni karo waxaa ka mid ah in uu waxyeello u gaysto ilkaha, oo haddii aysidhku afka soo gaaro waxa uu cunaa ilkaha, sidoo kale haddii qofku muddo dheer lahaado aysidh-noqod aan lala tacaalin waxaa suurtagal ah in uu sababo kansarka dhuunta, inkasta oo arrintani tahay mid dhif ah oo aad u yar.
Comments
Post a Comment