Cagaarshowga ama beerholaca ( hepatitis)
%20(7).jpeg)
Hepatitis(beerhafeefadka ama beerholaca ama cagaarshowga ama indhacaseeyaha) Cagaarshowgu waa hafeefashada beerka, badanaa waxaa sababa fayras laakiin sidoo kale waxaa kaloo sababa khamriga, daroogooyinka, sumaha, xaalad ah in ay unugyadu jidhku iskood isku weeraraan(autoimmune disease).Wuxuu noqon karaa mid degdegga¹ ama mid dabadheeraada². Beerku waa xubinta ugu weyn ahna xubnaha ugu muhiimsan qofka jidhkiisa, beerku wuxuu qabtaa boqolaal shaqooyin oo ay ka mid yihiin, kaydinta ama xeraynta nafaqooyinka sida: fiitaaminada, A,B,B12,D,K, copper,iron, glycogen(oo ah qaabka sokorta jidhka loo kaydiyo, marka heerka sokorta dhiiga hoos u dhacdo beerku wuxuu glycogen u badalaa glucose si uu jidhku uu isticmaali karo.), in uu jidhka qashin saaro, shaandeynta iyo miirida kiimikada ku jirta cuntada, dawooyinka, sumaha iyo sifeynta dhiiga, saamaynta borotiinka dhiiga, samaynta ama soo saarista bile(dacarta ama qarsata) bile-ka waxaa lagu samayaa beerka waxaana laga soo daayaa dareeraha(ga...