Cagaarshowga ama beerholaca ( hepatitis)


 Hepatitis(beerhafeefadka ama beerholaca ama cagaarshowga ama indhacaseeyaha)

Cagaarshowgu waa hafeefashada beerka, badanaa waxaa sababa fayras laakiin sidoo kale waxaa kaloo sababa khamriga, daroogooyinka, sumaha, xaalad ah in ay unugyadu jidhku iskood isku weeraraan(autoimmune disease).Wuxuu noqon karaa mid degdegga¹ ama mid dabadheeraada².

Beerku waa xubinta ugu weyn ahna xubnaha ugu muhiimsan qofka jidhkiisa, beerku wuxuu qabtaa boqolaal shaqooyin oo ay ka mid yihiin, kaydinta ama xeraynta nafaqooyinka sida: fiitaaminada, A,B,B12,D,K, copper,iron, glycogen(oo ah qaabka sokorta jidhka loo kaydiyo, marka heerka sokorta dhiiga hoos u dhacdo beerku wuxuu glycogen u badalaa glucose si uu jidhku uu isticmaali karo.), in uu jidhka qashin saaro, shaandeynta iyo miirida kiimikada ku jirta cuntada, dawooyinka, sumaha iyo sifeynta dhiiga, saamaynta borotiinka dhiiga, samaynta ama soo saarista bile(dacarta ama qarsata) bile-ka waxaa lagu samayaa beerka waxaana laga soo daayaa dareeraha(gallbladder) wuxuu ka qayb qaataa in la dheefshiido duxda(fats), ka qayb qaadashada difaaca jidhka. 

Haayada caafimaadka adduunka(WHO) waxay ku qiyaastay dadka la-nool beerhafeefadka noociisa B&C 354 malyuun oo qof aduunka.

Haddii beerku waxyeeloobo shaqooyinkaan kor kusoo xusnay sidii la rabay uma qabanaayo. Maxaa ka dhalanaayo haddii uu beerku waxyeeloobo, waxaa dhici kara, sokorta dhiiga oo kor-u-kacda ama hoos-u-dhacda, dhiig-bax fudud oo dhaca, baruurta ama xaydha oo jidhka ku badanaysa, jiro joogto ah ama daal badan.

Cases(xaaladuhu) waxay ku kala duwan yihiin xilli-huriska³ wuxuuna u dhaxeeya mid yar ilaa mid daran, waxaa laga yaabaa in uu qofku qabo beerhafeefadka laakiin oo aanu dareensaneyn.

Noocyada ugu badan beerholaca waa A, B, iyo C.

1. Beerhafeefadka A

Waxaa sababa fayraska beerhafeefadka A (HAV)

Sida uu ku faafo: is-taabashada labada qof, cunida iyo cabida cuntooyinka iyo cabitaanada wasakheysan.

Waa mid qofka mudda yar haynaayo, wax daawo ah maleh qofku iskii ayuu u bogsada, hannaanka ugu fiican ee looga hortagi karana waa tallaalka.

2. Beerhafeefadka B

Waxaa sababa fayraska beerhafeefadka B (HBV)

Sida uu ku faafo: dareeraha jidhka sida dhiiga, shahwada, candhuufta iyo hooyada uurka leh in ay u gudbiso ilmaha.

Caabuqan⁴ labadaba wuu leeyahay mid degdegga iyo mid dabadheerada.

Hannaanka ugu fiican ee looga hortagi karana waa tallaalka, sido kale daawooyin way jiraan la qaato.

Xaruunta dhexe ee ka hortagga iyo xakameeynta cudurada( center for disease control and prevention, CDC) waxay ku qiyaastay dadka la-nool beerhafeefadka noociisa B 257 malyuun oo qof aduunka dacaladiisa.

3. Beerhafeefadka C.

Waxaa sababa fayraska beerhafeefadka C (HCV).

Sida uu ku faafo: dhiig irbad ku jiro ama qalab caafimaad oo aan nadiif ahayn.

Waana kan ugu xun beerholaca waayo dadka qaba noocan C ma dareemaan wax calaamado⁵ iyo cabasho⁶ midna, haddii laga daawayn waayo noocan beerhafeefadka wuxuu bukaanka dhaxalsiiyaa mushkilado taf ah beerka sida dhaawac beerka, nabaro, iyo kansar.

Xaruunta dhexe ee ka hortagga iyo xakameeynta cudurada waxay ku qiyaastay dadka la-nool beerhafeefadka noociisa C 97 malyuun oo qof aduunka dacaladiisa.

Malahan wax talaal ah noocan beerhafeefadku balse waxaa jira daawooyin afka laga qaato.

CALAAMADAHA IYO CABASHOOYINKA CUDURKAN.

Qandho iyo daal.

Xanuun laalaabyada iyo kala-goysyada ah.

Cunno-qaadan'waa.

Kaadida oo madow noqota iyo saxarada oo midabka dhoobada noqota.

Calool xanuun, labalabo ama yalaalugo.

Maqaarka iyo indhaha oo huruud noqda.

Shuban(kaliya beerholaca A).

Miisaanka qofka ii is-dhima.

BAADHITAANADA LOO SAAMEEYO BEERHOLACA 

Liver function test(tijaabada shaqada beerka): waa baadhitaan dhiiga ah oo lagu qiimeeyo shaqada iyo bedqabka beerka, waxaa la eegaa enzyme-yo, borotiino, iyo waxyaabo kale oo uu beerku soo saaro kuwaas oo haday kor-u-kacaan iyo haday hoos-u-dhacaanba tilmaamaayo cilaadaha beerka.

Qaybaha ugu muhiimsan tijaabada shaqada beerka 

1. ALT(Alanine Aminotransferase)

Waa enzyme laga helo beerka; kor-u-kacu wuxuu tilmaamayaa: dhaawac beerka ah, beerhafeefad, cirrhosis⁷ .

2. AST(Aspartate Aminotransferase).

3. ALP(Alkaline phosphate).

4. GGT(Gama-glutamyl transferase).

5. Bilirubin.

6. Albumin.

7. Total protein.

Ka hortagga beerholaca 

Tallaal ( A iyo B ).

Nadaafada oo lagu dadaalo.

Ka fogaanshaha irbadaha iyo qalabyada caafimaad ee la isticmaalay.

Ka fogaanshaha cuntooyinka iyo cabitaanada wasakheysan.

———————————————————

1. Degdegga: (acute): waa xanuunka marka uu qofka hayo mudo kooban, maalin, todobaad iyo bil.

2. Dabadheerada ama raaga:(chronic): waa xanuunka marka uu qofka hayo mudo sanad iyo ka badan.

3. Xilli-huriska:(incubation period): waa mudada ay bukaanka kaga soo muuqanayaan calaamadaha iyo cabashooyinka cudurka.

4. Caabuqa:( infection): waa marka jidhka ay weeraraan oo ay sameeyaan hannaan-socodka shaqada jidhka ilma-aragtidu.

5. Calaamadaha:(symptoms): waa waxyaabaha uu dhakhtarku ama qof kale ka arki karo bukaanka sida, barar jidhka ah, dhaawac, qandho, dhiig-bax, fin ama boogo la arkaayo neefsasho degdegga, indhaha oo guduudan.

6. Cabashooyin:(signs): waa waxyaabo kaliya bukaanka uun dareemaayo sida, madax xanuun, labalabo, daal, wadno garaac degdega.

7. cirrhosis(beer-burburka): waa cudur keena dhaawac joogto oo ku dhaca beerka taasoo sababtay in unugyada beerka si tartiib tartiib ah loo burburiyo.

Comments

Popular posts from this blog

LAABJEEXA ( heartburn)

BURUUD (IMMUNITY)